Home / Cayaaro / Da’yar u dhashay France oo laga doonayo garoonka Anfield

Da’yar u dhashay France oo laga doonayo garoonka Anfield

Himilo- Liverpool ayaa  u aragtay daafaca Toulouse Mathieu Goncalves mid macquul ah oo lagu daro safka  bisha Janaayo.

In kasta oo kooxda Merseyside ay 10 dhibcood ku Hayso hogaanka Premier League, waxaa laga yaabaa inaysan Jurgen Klopp ka hor istaagin inuu xoojiyo kooxdiisa bilowga sanadka 2020.

Iyada oo aan lahayn daboolid qaas ah Andrew Robertson, saxiixa daafaca dambeed bidix oo cusub wuxuu u muuqdaa mid mudnaan leh, iyadoo daafaca Coventry City Sam McCallum uu ku jiro bartilmaameedkooda.

Si kastaba ha noqotee, L’Equipe wuxuu sheegayaa in kooxda heysata horyaalnimada Yurub inay ka fiirsaneyso inay u dhawaato Goncalves, kaasoo kaliya saftay kulankiisii ugu horeysay Bishii August.

In kasta oo aan loo jeedin in uu jirsado 19 sano ilaa June, Mathieu ayaa durbaba saftay shan kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Qandaraaskiisa ayaa haatan ka hartay kaliya 18 billood kooxda ka dhisan Ligue 1.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan