Himilo- Da ‘yarka kooxda Barcelona Juan Larios ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis la gaaro kooxda Manchester City.
15 jirka, oo inta badan u shaqeeya sidii daafaca biddix, ayaa la sheegay inuu iska diiday fursad uu qandaraas cusub ugu saxiixayo Camp Nou xilli uu ka baaraandegayo xulashadiisa.
Sida laga soo xigtay Diario Sport, City ayaa wadahadalo ‘aad u horumarsan’ la leh daafaca, kaasoo awoodi kara inuu qandaraas caalami ah la saxiixdo kooxda heysata horyaalka Premier League marka uu noqdo 16jir January.
Warbixinta ayaa sheegeysa in qoyska Larios ay horay u go’aansadeen in da’yarka uu u jiheysto Etihad Stadium bilowga sanadka 2020.
Soosaarka La Maria ayaa haatan lix jeer u saftay xulka 16 jirada ka hooseeya ee Spain.
Eric Garcia iyo Adrian Atlant ayaa labadoodaba ka tagay kooxda reer Catalan sannadihii ugu dambeeyay si ay ugu biiraan City, waxaana labada da ‘yarta Isbaanishka ay horey u sameeyeen safashada kooxdooda koowaad ee Naadiga Ingiriiska.