Home / Habka-Nolosha / De Gea oo aaminsan in kalsoonidu ay keeni karto guusha Manchester United.

De Gea oo aaminsan in kalsoonidu ay keeni karto guusha Manchester United.

Muqdisho – United ayaa wali baaqi ku ah in aan laga badin horyaalka Premier League sanadkan, iyada oo shan mar badisay hal marna gashay barbar dhac lix kulan oo ay ciyaartay xagaagan, De Gea ayaana laga dhaliyay labo gool oo kaliya.

Jose Mourinho kooxdiisa ayaa wajihi doonta naadiga Crystal Palace galabnimada Sabtiga, taas oo aan heysan wax dhibic ah  isla markaana aan dhalin wax gool ah.

United haddi ay badiso waxa ay la wareegi doontaa hoggaanka horyaalka waxayna ka wareegi doontaa naadiga Man City oo iyana isla habeenka Sabtiga ah la ciyaari doonta naadiga Chelsea.

“Waxaan heysanaa kulamo waaweyn,” De Gea ayaa ku yiri Sky Sports News. “Waxaan abuuranay fursado badan, goolal ayaan dhalinay, waxaan u baahanahay in aan ilaashano heerkaas.”

“Kooxdu hadda waxa ay heysataa kalsooni weyn, wuu kuu fudud yahay garoonku marka aad kalsooni heysatid, waan in aan guuleysanaa si wanaagsana aan u ciyaarno goolalna aan dhalino,” ayuu yiri Mr Save.

“Waxaan dareemayaa xaqiiqdi wanaag, waxaan dareemayaa kalsooni iyo awood,” ayuu kusii daray De Gea.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan