Home / Deegaan / Degmo gabadhii ku dhalataba loo beero geedo!

Degmo gabadhii ku dhalataba loo beero geedo!

Himilo – Tan iyo sannadkii 2006-dii, daganayaasha xaafadda Piplantri oo dhacda koonfurta degmada Rajsamand ee gobalka Rajasthan, waxay beeraan 111 geed si gabadhii dhalata loogu dabaal-deggo.

Siinta celcelis dhan 60 gabdhood in lagu dhalo degmada sannad kasta, daganayaashu waxay maareeyeen tallaalista geedo ka badan 300,000. Bulshada gaaraysa 8,000 ee qof waxay sidoo kale u kuur-galaan hubsashada in geeduhu nolol helaan.

Dhaqanka quruxda leh waxaa billaabay duqii hore ee degmada, Shyam Sundar Paliwal oo xus uga dhigay gabadhiisa geeriyootay inuu beero geedaha. Marka laga reebo beerista, waxaa jira guddi gaar ah oo wacyiga qoysaska ee la xiriira gabdhaha kor u qaada.

Dadka degmadan waxay qaadaan tallaab kasta oo lagu ilaalinayo dhowrista geedaha la beero. Waxayna tusaale u noqdeen inta kale ee wali ku dhagan dhaqanka jecleysi ee wiilasha iyo xurmayntooda.

Sheekada degmadan waxay na xusuusinaysaa qisada dhaqtarka sida lacag la’aanta ah ku dhaliya haweenka umula gabdhaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan