Home / Habka-Nolosha / Del Piero: “Juve mahabaarna – wayna qaadaysaa koobka UCL.”

Del Piero: “Juve mahabaarna – wayna qaadaysaa koobka UCL.”

Muqdisho – Xiddigii hore ee Marwada Duqda lagu naaneyso ee Juventus, Alessandro Del Piero ayaa rumeysan inaysan kooxdu habaar-qabin – oo ay iska hilmaamaan guul-darrooyinkii danbe ee looga qaaday afar finaal oo ay soo xaadireen Champion League si ay sanadkan ugu guuleystaan.

Kooxda ayaa markii ugu danbeysay oo ay ku guuleysato UCL wuxuu ahaa sanadkii 1996, hayeeshe taniyo markaas waxay qasaariyeen afar jeer oo ay yimaadeen finalka tartanka inay ku guuleystaan.

Del Piero ayaa guusha ay Champion-ka ka qaaday kooxda Ajax kamid ahaa laacibiintii xilligaas. Hayeeshe xiddigan ayaan aaminsaneyn in kooxdu qabto nasiib-xumida kubadda cagta oo ay sanadkan qaadi doonto koobka.

“Ciyaartoyda iyo kooxda midna ma inkaarna,” ayuu u sheegay Gazzetta dello Sport. “Waxaan rajaynayaa inaysan tani noqon doonin mid sidii hore oo kale ku dhamaata.”

42-jirkan ayaa aaminsan in tayada kooxda ay sanadkan u fududeyn karto inay ku guuleysato Champion League.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan