Home / Habka-Nolosha / Dele Alli “Waxa ay ahaayeen koox weyn, balse waxa aan tusnay waxa aan nahay,”.

Dele Alli “Waxa ay ahaayeen koox weyn, balse waxa aan tusnay waxa aan nahay,”.

Ciyaaryahanka Khadka Dhexe uga dheela Kooxda Tottenham ee Dele Alli ayaa waxa uu aad u amaanay guushii kooxdiisa ay ka gaartay naadiga Manchester City.

Radiohimilo.so

http://radiohimilo.so

Axaddii ayay labada koox foodda isku dareen garoonka White Hart Lane ee ay leedahay Tottenham waxaana ugu dambeyntii 2-0 lagu tumay Manchester City.

Lix kulan oo ay horey u soo dheeshay Manchester City lagama badin balse Tottenham ayaa ka yaabsatay naadiga.

“Waxa ay noo aheyd guul weyn waan ogeyn inaan haysano jaanis waxa aan laheyn qorsho ciyaareed laga soo shaqeeyay,”Alli ayaa Sky Sports u sheegay sidaa.

“Waxa ay ahaayeen koox weyn, balse waxa aan tusnay waxa aan nahay,”.

“Waxa aan ku faraxsanahay inaan seddex dhibcood helo,si adag ayaan u shaqeynay waan ku raaxaysaneynaa shaqadeenii adkayd,”.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan