Himilo – Khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Dele Alli ayaa tilmaamay inay murug ahayd in uu arko Christian Eriksen oo ka tagaya kooxda islamarkaana ku biiraya Inter Milan bishii la soo dhaafay.
Eriksen ayaa ka tagay Spurs iyada oo lagu qiimeeyay lacag dhan £16.9 Milyan oo uu ugu biiray kooxda tababare Antonio Conte.
Isaga oo la hadlayay Evening Standard, Dele Alli ayaa yiri “Murug ayay ii ahayd aniga iyo cayaaryahannada kalaba, sababtoo ah waxa uu la qabsaday qof kasta, waxa uu ahaa laacib weyn oo ku fiican tababarka, markasta si adag ayuu uga shaqeyn jiray garoonka.”
Waxa uu intaa raaciyay “Wax badan ayuu goolal igu caawiyay, waan waayi doonaa, sidaasi oo ay tahay, waxaan u rajeynayaa guul.”
Eriksen ayaa u saftay Spurs 305 kulan, waxa uu dhaliyay 69 gool isaga oo sameeyay caawin gaaraysa 89. Waxaa xusid mudan in Spurs uu ka caawiyay inay gaarto final-ka Champions League 2019.