Home / Habka-Nolosha / Dembélé oo kasoo bogsanaya dhaawacii soo gaaray.

Dembélé oo kasoo bogsanaya dhaawacii soo gaaray.

Muqdisho – Xiddiga kooxda Barcelona ee weerarka ugu ciyaara xulka Faransiiska ayaa ku tababbartay Ciutat Esportiva Joan Gamper si uu u bilaabo isbuuca isla markaana uu usii joogteeyo kasoo kabsashada dhaawicii muruqa ahaa ee soo gaaray  bishii September.

Tababarkii Isniinta ayaas afka koobaad ee Barcelona lagu arkay Ousmane Dembélé isaga oo sii wata xaaladdii soo labsasho. Xiddiga reer France ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 16kii September markii uu dhaawac kasoo gaaray muruqa lugtiisa bidix, waxaana uu ku dhaawacmay kulankii ay 1-2 kaga adkadeen naadiga  Getafe kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ciyaar ka dhacday Coliseum Alfonso Pérez.

Ka dib markii qalliin loogu sameeyay Helsinki, dalka Finland, Dembélé ayaa ku soo laabtay Barcelona, ​​waxaana durbadiiba lagu arkay Ciutat Esportiva isaga oo ka shaqeynayey soo kaba shadiisa. Kahor inta uusan dhaawacaan la kulmin, 20 jirkan ayaa ciyaaray kulankiisii ​​ugu horreeyey ciyaartii kooxda Espanyol, isaga oo caawiye ka ahaa goolkii Luis Suarez, waxaana uu kusoo bilowday Champions League kulankoodii furitaanka oo ay la ciyaarayeen Juventus.

Si kastaba, Dembele ayaa ku dhow inuu kusoo laabto taam ahaansho buuxda, wuxuuna uu mar kale kor u qaaday nidaamkiisa tababbarka isaga oo la rajeynayo in uu kooxda kusoo laabto ka hor kulanka El-Calisco.

Barca ayaa rikoor fiican heysata marka loo fiiriyo maqnaanshaha Dembele, iyada oo aan laga badinin xilli ciyaareedkan La Liga, waxeyna afar dhibcood oo nadiif ah ku heyaan hoggaanka.

Valencia ayaa ah kooxda ugu dhow naadiga Camp Nou xilli ciyaareedkan, iyada oo kooxda difaacaneysa horyaalka ee Real ay 10 dhibcood ka sarreyso.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan