Home / Habka-Nolosha / Dembele: Waxaan xiriir la yeeshay Barca sanadkii hore.”

Dembele: Waxaan xiriir la yeeshay Barca sanadkii hore.”

Muqdisho – Laacibka kooxda Borussia Dortmund, Ousmane Dembele ayaa qirtay in Barcelona ay xiiseynaysay bandhigiisa sanadkii hore xilli wali lala xiriirinayo xaggeeda.

Dembele, oo 20 jir ah, ayaa daqiiqadii 78aad goolkii guusha xulkiisa u dhaliyay ciyaartii ay England kula ciyaareen Paris.

Xiddiga ayaa lagu soo warramay inay xiiso u hayso Barca, hayeeshe wuxuu heshiis ilaa 2021 kula jiraa kooxdiisa Dortmund.

Dembele ayaa kusoo biiray horyaalka Bundusliga Jarmalka sanadkii hore, wuxuuna sheegay in Barca ay sidoo kale indhaha la raacaysay.

“Sanadkii hore waxaan xiriir la qaatay agaasimaha ciyaaraha Barca,” ayuu ku yiri Mundo Deportivo.”

“Waxaan ku fiicanahay Dortmund. Waxaana kula jiraa heshiis ilaa 2021. Dareen uma hayo wixii la sheego.”

Dembele ayaa 32 kulan u saftay xagagii hore kooxdiisa, wuxuuna u dhaliyay lix gool.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan