Muqdisho – Didier Deschamps ayaa ku hal-adag inuusan dhaleeceynin kabtanka xulka Qaranka Faransiiska, Hugo Lloris xilli uu fursad uu dayacay ay Sweden u fududeysay inay guul muhiim ah ka gaarto.
Labada xul ayaa ku wada Group A, ciyaartii dhacdayna waxay 2-1 ku raacday xulka Sweden oo marti loo ahaa.
Goolhaya kooxda Tottenham ayaa si adag ugu dadaalay badbaadinta fursadaha lala soo tiigsanayay, wuxuuse ugu danbeyn si fudud ku lumiyay goolkii guusha oo la daba mariyay.
Deschamps ayaa shaaciyay in Lloris uu ka uurxumaaday dayacistiisa, wuuna ogaa in wixii uu sameeyey ay aheyd mid qalad ah.
“Uma socdo inaan canbaareeyo Hugo,” Deschamps ayaa u sheegay TF1. “Wuxuu mar walba ahaa mid nala go’aan adag.”
“Wuxuu doorbiday inuu kubadda kontoroolo. Haddii uu meel dheer ku laado, majirto waddo ay kusoo laaban karto. Hayeeshe wuu og yahay middaas. Wuuna og yahay inuu gef ku tahay. Waana dayn nagu baxaysa.”
“Wali waxaa inoo harsan 4 kulan – 12 dhibcood. Waxaana isku dayi doonnaa inaan si adag u dirirno ilaa dhamaadka.”
“Kulankii aan Netherland kaga hornimid Stade de France bishii August 31, waxay aalabaa noqonaysaa mid muhiimad inoo leh. Haddana waxay tahay mid kasii fog taas.”