Home / Arrimaha Bulshada / Deyn cafintu xal ma u noqon kartaa shaqo la‘aanta dalka ka jirta?

Deyn cafintu xal ma u noqon kartaa shaqo la‘aanta dalka ka jirta?

Himilo _ Santuuqa lacagta Aduunka ‘IMF’ waxa uu dhawaan shaaciye in Soomaaliya ay buuxineyso shuruudaha deyn cafinta dabayaaqada sanadkan, taas oo muhiim u ah hormarka dalka

Waxsoosaarka gudaha ‘GDP’ waxaa lasaadaalinayaa sanadka 2024-ka in uu gaaro 3.7% sida uu qabo Bangiga Aduunka. Marka leysku daro deyn cafinta iyo kobaca dhaqaalaha gudaha waxay fursad balaaran siineysaa ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Qorshaha Bangiga Aduunka iyo Santuuqa lacagta Aduunku waxay Soomaaliya ka cafin doonaan $557 million. Waqtiga dhow waxaa suuragaleysa maalgalinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale. Halka waqtiga fogne Soomaaliya ay gaari doonto isku filnaasho dhaqaale oo xooggan.

Dalalka bariga Africa ee horay u maray wadadan waxaa kamid ah dalka Uganda sanadkii 2000 taa oo u suuragalisay inay helaan maalgalin dibadda ah.

Si lamid ah Somalia ayaa heysata fursad ay maalgalin caalami ah ku heli karto. Shirkii dhaqaalaha Soomaaliya ee dhacay bishii May 2023-ka waxa uu daaqad u furay ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka howlgala

Soomaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Africa, taas oo fursad u siineysa inay hesho maalgalin balaaran oo dibadda iyo gudaha ah. Suuqyada rajada ugu weyn lagaleeyahay waxaa kamid ah suuqa kaluumeysiga iyo ganacsiga badda, kaas oo ah suuq furan oo aan dhamaaneyn. Deyn cafinto sidoo kale waxay fursad siineysaa ganacsatada yaryar oo maalgalin ka helaya hey’ada caalamiga ah.

Saddex meelood meel ahaan shaqooyinka Soomaaliya waxay ka yimaadaan dhaqdhaqaaqa ganacsi. Maalgashiga shisheeye oo la kordhiyo iyo amniga qaranka oo hagaaga ayaa abuuri doona jawi ganacsi oo xasiloon dalka oo dhan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan