Home / Caafimaad / Dhacdo caafimaad tii ugu horreysay nuuceeda oo la diiwaan geliyay!

Dhacdo caafimaad tii ugu horreysay nuuceeda oo la diiwaan geliyay!

Himilo FM –Dalka Taiwan, koox dhaqaatiir ah ayaa waxaa kedis ku noqday xaalad caafimaad oo noqonaysa tii ugu horreysay ee nuuceeda ah islamarkaana lagu arko dunida.

Dhaqaatiirta ayaa indhaha gabar ku jirta da’da labaatameeyada waxay ka soo saareen 4 shinni sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail.

Wargeyska waxa uu xusay in gabadha dhallinyarada ah guranaysay dhir markii xasharaadka shinnada ah uu galay qeybta hoose ee indhaheeda iyadoo billowday inay ka ilmeyso.

Gabadha oo lagu soo koobay magaceeda He ayaa tagtay isbitaal ku yaalla magaalada Kaohsiung markii ay dareentay xannuun xad dhaaf ah.

Khubarada caafimaadka ayaa lagu soo waramayaa inay oggaadeen in shinni ku jirto indhaha gabadha.

Iyadoo warbaahinta la hadleysa, waxay sheegtay gabadha inay markii hore u qaadatay in boor uu indhaha ka galay illaa markii danbe xaaladda xummaatay.

Dr Hung ayaa xusay in dhacdadan tahay tii ugu horreysay ee nuuceeda ah oo lagu arko caalamka. Waxaa lagu guuleystay in shinnada laga soo saaro gabadha iyadoo la rajeynayo inay si dhaqso ah ku soo kaban doonto.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan