Home / Daraasad / Dhalashada labka la doorbido oo sii yareynaysa dheddiga!

Dhalashada labka la doorbido oo sii yareynaysa dheddiga!

Himilo FM –Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday in cadaadiska ka jira dalalka Shiinaha iyo Hindiya ee la xiriira dhiira gelinta dhalmada ragga uu horseeday in haween badan iska soo ridaan carruurta.

Ku dhawaad 23 Milyan oo dheddig ah ayaa maqan kaddib markii haween badan iska soo rideen carruur loogu sheegay inay noqonayaan dheddig.

Natiijadda daraasadda ayaa tilmaameysa in ku dhawaad 10.6 Milyan oo carruur dheddig ah laysaga soo riday Hindiya halka 11.9 Milyan oo kale laga soo diiwaan geliyay Shiinaha.

Xubnaha kooxda baaritaanka oo u dhashay Singapore ayaa xusay in siyaasadda halka cunug ee Shiinaha iyo rabitaanka waalidka inay sii xumeysay xaaladda.

Macluumaadka baaritaanka oo socday muddo 5 sanno ah ayaa laga uruuriyay 202 dal oo caalamka ah oo ay ku jiraan dalal dhalashada ragga laga doorbido haweenka.

Daraasadda ayaa muujisay in rag jecleysiga ka jira meelo badan oo dunida ah uu wax badan ka beddalay isku dheelitirnaanta tirada rag iyo dumar. Waxaa la tilmaamay in 200 ee cunug inay 105 kamid ah noqdaan lab.

Caqabadan ayaa ah mid aan ugub aheyn inkastoo daraasado badan tilmaameen in haweenka ka cimri badan yihiin ragga oo ay gaaraan da’ fog.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan