Home / Caafimaad / Dhaqaatiir Muslimiin ah oo daryeel caafimaad oo bilaash ah u fidinaya Danyarta Maraykanka.

Dhaqaatiir Muslimiin ah oo daryeel caafimaad oo bilaash ah u fidinaya Danyarta Maraykanka.

Muqdisho – Siinta tusaalaha habboon ee farriinta Islaamka iyo daryeelka dadka xanuunsan, dhaqaatiir Muslimiin ah ayaa xarunta al-Shifa ee magaalada San Bernardino waxay ku daweyn jireen dadka danyarta ah 17-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Waxaan nahay Muslimiin, waxaana aynu dooneynaa inaan bulshada caawinno,”  Dr. Talat Khan, agaasimaha xarunta al-Shifa ayaa u sheegay Laanta afka Soomaaliga ee VOA.

“Kama dhigna Muslimiinta ku dhex nool bulshada, waayo dadka aan badi dabiibno waxay isugu jiraan Hispanic iyo qaar kale oo diimaha kale raacsan. Diinteennu waxay noo sheegeysaa inaan dadka danyarta ah u gurmanno,” ayuu sii raaciyay.

Helidda xarunta sanadkii 2000, waxaa lagu magacaabay al-Shifa – bogsimaad, waxayna daryeel caafimaad oo bilaash siinaysay dadka xanuunka ee ku nool mid kamid ah degmooyinka ugu saboolsan gobalka California.

Adeegga caafimaad waxaa bixiya dhaqaatiir Muslimiin ah oo isugu jira soo-galooti iyo qaxooti Maraykanka soo galay.

“Run ahaantii dhaqaatiirta waxaa loo leyliyay inay qof kasta saacidaan u eegis la’an diinta iyo afka ay ku hadlayaan,” ayuu yiri Dr. Khwaja Ali Sidiqui.

“Marka aad booqanayso dhaqtar, waxaa tahay bukaankiisa, waxaana waajib ah inaan bukaanka ula dhaqanto si isla mid ah.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan