Home / Habka-Nolosha / “Dhib waxaa noogu filan inuusan joogin kulankii Southampton” Sidaa Waxaa Yiri Jurgen Klopp

“Dhib waxaa noogu filan inuusan joogin kulankii Southampton” Sidaa Waxaa Yiri Jurgen Klopp

Tabaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in xiddigiisa khadka dhexe ee Adam Lallana uu maqnaan doonno labada ama saddexda kulan ee soo socda.

js105055998

http://radiohimilo.so

Laacibkan ayaa seegay kulankii ay kooxdiisu barbaraha 0-0 la dhaafi waysay kooxdii uu hore uga tirsanaa ee Southampton kaddib markii dhaawac looga saaray barbarihii xulkiisa England uu la galay dhigiisa Spain horraantii todobaadka isagoo kulankaasna gool ka dhaliyay spain.

28 jirkaan ayaa baaritaan uu maray kaddib la ogaaday inuu seegi doono kulanka Sunderland todobaadka danbe iyo kulanka EFL Cup-ka ay liverpool la ciyaari doonto kooxda Leeds.

“Adam Lallana nalama joogi doono maxaa yeelay  wuxuu wali la dhibaa toonayaa dhaawacii looga saaray kulankii Spain” Klopp ayaa saxaafadda u sheegay sidaas.

“Dhib waxaa noogu filan inuusan joogin kulankii Southampton iyo labada ama saddexda kulan ee soo socda waana mushkiladda kaliya ee hadda kooxda ka haysta.”

Maqnaashaha Lallana awgii Klopp ayaa kulankii St Mary’s  kusoo bilaabay Gini Wijnaldum isagoo ka garab ciyaarsiiyay Emre Can iyo Jordan Henderson.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan