Home / Arrimaha Bulshada / Dhibaatooyinka ay la kulmaan Kalluumeysatada Xilliyada Dabeylaha,Dhegeysi

Dhibaatooyinka ay la kulmaan Kalluumeysatada Xilliyada Dabeylaha,Dhegeysi

Xiliyada qaar waxaa Baddaha ka dhaca Dabaylo xoogan kuwaas oo sababa khasaaro soo gaara gaadiidka badaahaa maraya, si gaara ah waxay dabaylahaan saameeyaan kaluumaysatada iyo noolaha kale ee badda ku nool.

Dabaylahan waxaa ay inta badan ka dhashaan xiliyada Cimillada oo isbeddel ku yimaado, islamarkaan jawiaga uu galo galo xaalad kale, waxaana ka dhasha markaas in dhaqdhaqaaqyada bada ak socday ay Iyana wax iska bedalaan.

Badaha soomaaliya ayaa xiligaan ku jira isbedal dhanka cimiladaa ah, waxaa.na ka jira dabaylo xoogan saameeyay isun socodkii badda soomaliya,oo shaqadii ka socotay ay gaabis gashay.

Si gaar waxay dabaylahaan u saameeyeen kaluumaysatada soomalida kuwaas oo bada u shaqo tegi jiray uu maadaama quutul maalmeedkooda ku tiirsan yahay waxa ay ka soo helaan badaaas ay u shaqo tagaan.

Qoysas badan oo noloshoodu ay ku tiirsaneed waxa ay kasoo helaan badda ayaa waxa soo wajahday duruufo dhanka noloshaa, maadaama uu gaabis ku yimid shaqadii kaluumaysiga badda.

Hadab Warabixintaan soo socota ayaana ifinaysa dhaibaatada xilgaan soo wajahday dadkii u shaqo tegijiray badda……C/Raaxmaan Maawaa.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan