ka badan hal milyan Soomaali ah ayaa wajahaya saameyn daran oo ka imaaneysa abaarta gobolada dalka ka jirta sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay.
Boqollaal qoys oo naf la caari oo nolol raadis ah ayaa maalinle u taga xeryaha ku yaalla magaalooyinka. Warbixinada qaar ayaa sheegaya inaysan dadkaas helin caawin ku filan.
Dhibaatada abaarta ayaa gaartay meel aad u sarreysa, waxyeeladda darran ee abaarta waa natiijo ka timid afar sano oo roob yari xiriir ah.
Saameynta abaarta marka laga tago dadka ay tooska u saameysay ee isugu jira xoolaleyda, iyo beeraleyda waxaa dhinaca kale ay si dadban oo daran ay u taabatay abaarta.
Dadka ka ganacsada dawo dhireedka ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya dhaqaale xumo daran oo uga imaaneysa abaarta sida uu warbixintan ku eegayo Axmed Haaddi.