Home / Macluumaad / Dhinaca Madow ee Adeegsiga Moobillada Smartphones-ka

Dhinaca Madow ee Adeegsiga Moobillada Smartphones-ka

Himilo- Waxaa aad iisoo jiitay sheeko lagu qoray Jariiradda Evening Standard taas oo cinwaan looga dhigay moobillada shaashadda leh oo adeegsadaha kala tagaya dareenka gurmashada – kana dhigaya goobjooge aan gacan fidiye noqon Karin.

Dr Linda Papadopoulos ayaa tooshka ku ifinaysa tusaale dhawaan-gal ah oo muujinaya danbiile ku xad-gudbaya haweeney booliis ah – halkaas oo goobjoogayaashuna ay lasoo kala baxayaan moobilladooda si ay u rikoor-gareeyaan dhacdada; beddelkii ay gacan gurmad u fidin lahaayeen qofka dumarka ah ee lagu itaal-diganayo, waxay u kuur-galista dhacdooyin la eyni ah middaas kaddib ku doodeysaa in moobillada caaqilka loo yaqaan ay dadka sita ka dhigeen goobjoogayaal aan gurmad fidin Karin.

Halka ay tilmaantay in duubista dhacdada aysan waxba ku jabneyn, haddana waxay sheegtay in dadku goobjoog u noqonayaan si ay kaliya uga sheekeeyaan dhacdada in yar kaddib marka ay soo dhigaan baraha bulshada. Waxayse diiday inaanay sabab toggan marwalba la xiriirin duubista dhacdada.

Booliska UK ayaa sheegay in bulshada ay aad isku bedeshay; wax caadi ah waxaa la noqday in xiiso goonni ah loo yeesho ku jeesjeeska iyo duubista dhacdo ku dhaceysa qof dhibane; beddelkii gacan loo fidin lahaa.

Haddii aan arrintan lagu tilmaami Karin musiibo, ugu yaraan waxaa loo adeegsan karaa ereyada ugu ayaan daran ee lagu sifeeyo raadadka aan la mahdin ee laga dhaxlo isticmaalka moobillada.

Kala bar dadka adeegsada qadka internet-ka waxaa aad ugu sahlan inay maalin oo dhan iskaga jiri karaan aqalladooda – iyaga oo aan dareemin in yar oo cidlo ah. Mararka qaar, laba ku wada jirta aqalka qura ayaan heli karin fursad ay si furan iskugu sheekeeyaan. Dabcan xiisaha qof walba uu gaarkiisa kaga helayo dunida dhalanteedka ah ee qadka internet-ka lagu fududeeyey ayaa si muuqata uga horjoogsanaya inay iskugu yimaadaan dunida dhabta ah.

Sidaas awgeed, adeegsiga moobillada waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa meel lagala socon karo xogta dunida fog, balse warmoog loo yahay dunida lala nool yahay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan