Home / Habka-Nolosha / Diego Costa oo aan meteli doonin qaranka Spain oo kulamo saaxiibtinimo dheeli doono

Diego Costa oo aan meteli doonin qaranka Spain oo kulamo saaxiibtinimo dheeli doono

Xulka qaranka Spain ayaa lagu wadaa inay shaxdooda ka reebaan Diego Costa kulamadda saaxiibtinimo oo bishan ay dheeli doonaan.

Costa ayaa toddobaadkan kaarka cas loo taagay markii ay isku dhaceen Gareth Barry, FA-da Ingiriiska ayaana ku riday xukun ah in falfal xumi uu ku dhaqaaqay laacibku kaddib markii isaga iyo Barry ay beeniyeen inuu weeraryahanku kasoo horjeedihiisa  qaniinay.

Macallin  Vicente del Bosque ayaana ku jahwareersan hab dhaqanka wiilka asalkiisu yahay Brazil, wuxuuna go’aan ku gaaray inuusan u yeeran kulamadda saaxiibtinimo oo uu la dheelayo bishan qaramada Talyaaniga iyo Romania sida ay sheeganeyso Cadena Cope.

Go’aankan hadduu meel maro waxay shaki weyn gelin doontaa mustaqbalka xiddigaan ee qaranka Spain iyo ka qeyb galkiisa koobka qaramada qaaradda Yurub oo sanadkan Faransiiska ka dhici doona.

Diego Costa oo 27 jir ah ayaa bilaabay 2014 inuu isaga tago qaranka Brazil oo uu asal ahaan ka soo jeedo, una dheelo Spain, isagoo 10 kulan oo La Roja uu metelay ku dhaliyay kaliya hal gool.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan