Muqdisho – Diego Costa ayay wararku sheegayaan in uusan qeyb ka aheyn kooxdii dib ugu soo laabatay tababarka Chelsea maanta oo Talaado ah.
Tababare Antonio Conte ayaa siiyay ciyaartoydiisa maalmo fasax ah kadib markii ay kusoo laabteen UK dabadeed maalmihii ay ku marayeen qaaradda Asia.
Costa ayaa ka maqnaa dhamaan kulamadii ay kooxdu soo ciyaartay waqtiqii lagu guda jiray ol’olihii is diyaarinta, kadib markii uu fariin qoraaleed ka helay hoggaamiyaha Blues ee Conte, taas oo aheyd “kama mid tihid qorshaheyga xagaaga soo socda”.
Wixii markaas ka danbeeyay weeraryahanka carada badan ee reer Spain ayaa lala xariirinayay in uu ka huleeli doono Stamford Bridge.
Sida ay warineyso Marca, weerayahankan kama uusan mid aheyn xiddigihii soo xaadiray halka ay ku tababarato kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Cobham maanta, waxaana soo dhawaaday waqtigii uu gool-dhaliyahan iskaga huleeli lahaa London.
Xiddigan heerka caalami ayaa aaminsan in uu dib ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, laakiin marka hore waa in uu ka soo dhamaado Chelsea.
Sidaas oo kale, kooxda Talyaaniga ka dhisan ee AC Milan ayaa lala xariirinayaa laacibkan, kaas oo dhaliyay 20 gool oo horyaalka ah xagaagii lasoo dhaafay.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.