Diyaarad 172 rakaab ay saarnaayeen oo arrin la yaab leh si degdeg ah dib ugu caga-dhigatay

Muqdisho – Diyaarad qaadkeedu dhan yahay 200 oo rakaab ah oo siday 172 rakaab kana timid New York kuna sii jeeday Fransiiska ayaa sameysay degis degdeg ah kadib markii musqusheeda la furi waayay.

U hadle u hadlay Open Skies, oo leh diyaaradda British Airways ayaa sheegay in duulimaadka diyaaradan loo weeciyay Ireland kadib markii la ogaaday in rakaabku ay dooni karaan isticmaalka musqusha, hayeeshe oqfna uusan adeegsan karin maadaama ay ciladaysan tahay.

Diyaaradda ayaa ka kacday garoon JKF iyada oo loo waqtiyeeyay inay 8:00 subaxnimo ka degto Paris, caasimadda Faransiiska.

Duulimaadka ayaa goobta loo qabtay waxay u jirtay 90 daqiiqo in ku dhow hayeeshe duuliyaha diyaaradda ayaa ku xawilay inuu ku dejiyo garoonka ku yaalla Ireland oo markaas u jirtay fogaan dhan 500 oo mile.

Si kastaba, markii diyaaradda caga dhigatay garoonka, waxaa si afrxad leh ku gacan-qaaday saraakiisha duulimaadka iyo kuwo nabad-galyada bulshada.

Duuliyaha ayaa warsaday inay hagaajiyaan musqusha diyaaradda.

Duulimaadka ayaa kadibna usii jiheystay magaalada Paris oo ay markii horaba kusii foolneyd.