Himilo FM –Diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay Sacuudiga oo ku socotay Kuala Lumpur ayaa si deg deg ah ugu soo laabatay garoonka magaalada Jeddah kaddib markii haweenay kamid ah rakaabka illowday cunuggeeda oo ay kaga tagtay garoonka.
Muuqaal la soo duubay oo la dhigay baraha bulshada islamarkaana si weyn loo faafiyay ayaa muujiyay codsiga duuliyaha oo la hadlaya kooxda kormeerta dhaqdhaqaaqa hawada dalkaasi isaga oo ka dalbanaya inuu soo laabto.
Iyadoo shaqaalaha diyaarada uu hareeyay layaab ayaa duuliyaha waxa uu leeyahay “ Suuragal ma tahay inaan dib u soo laabano mise? Haweenay rakaab ah ayaa soo illowday cunuggeeda wayna diidan tahay inaan safarka sii dhammeystirno.”
Waxaa duuliyaha lagu war geliyay inuu soo laaban karo oo dhacdada tahay mid cusub. Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sheekada.
Wararka qaar ayaa tilmaamay in hooyada aysan ka soo tagin keliya cunugga balse waxaa jirtay gabar yar oo wiilka heysay oo raacday bas khalad ah islamarkaana ka dib dhacday safarka.
Hooyada ayaa dalbatay in diyaarada dib loo celiyo markay xaqiiqsatay in carruurteeda aysan saarneyn.