Home / Dhaqaale / Diyaarada ugu weyn caalamka oo la iibinayo

Diyaarada ugu weyn caalamka oo la iibinayo

Himilo FM –Shirkadda Vulcan ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa shacisay qiimaha lacageed ee lagu iibinayo diyaarada ugu weyn caalamka oo keliya hal jeer sameysay duulimaad.

400 Milyan oo doolar ayaa lagu sheegay qiimaha diyaarada Stratolaunch oo uu lahaa bilyaneerka geeriyooday ee Paul Allen taasi oo immika taalla garoonka California.

Diyaarada ayaa ah tan ugu weyn caalamka marka la fiiriyo dhirirka garbaheeda iyadoo masaafada u dhaxaysa labadeeda garab ay la egtahay dhirirka garoon kubadeed.

Dhirirka diyaarada ayaa gaaraya 79 Mitir iyadoo ku shaqeynaysa lix matoor sida laga soo wariyay warbaahinta Mareykanka.

Stratolaunch ayaa markii ugu horreysay sameysay duulimaad labo saacadood ah iyadoo si hagaagsan u dagtay bishii April kaddib 8 sanno oo diyaaradda la farsameynayay.

Duulimaadkii tijaabada ee diyaarada ayaa lagu sameeyay saxaraha gobalka California, waxay ku duushay dhirir gaaraya 17 kun oo cag.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan