Home / Cayaaro / Donny van de Beek “Waxaan joogi doonaa Ajax xilli ciyaareedkan.”

Donny van de Beek “Waxaan joogi doonaa Ajax xilli ciyaareedkan.”

Himilo – Khadka dhexe ee kooxda Ajax Donny van de Beek ayaa meesha ka saaray wararka tilmaamay in uu ku biiri karo kooxda Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiradda saaraya saxiixa khad dhexe suuq furanka bishan kaddib dhaawacyo soo gaaray Paul Pogba iyo Scott McTominay.

Van de Beek oo ku riyaaqay xilli ciyaareed wanaagsan 2018-2019 oo uu la qaatay Ajax ayaa lala xiriiriyay Man United.

Isaga oo ka hadlayay mustaqbalkiisa, Van de Beek ayaa u sheegay FOX Sports Netherlands in uu sii joogayo kooxda Ajax.

Waxa uu intaa raaciyay “Wakhti hore ayaan sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaan sii joogi doonaa Ajax xilli ciyaareedkan, waa suuragal xilli ciyaareedka kale.”

United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jiraan Sporting Lisbon iyaga oo doonaya khadka dhexe ee kooxda Bruno Fernandes.

Kooxda ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay heshiis kula soo wareegto ciyaaryahannada James Maddison iyo Jack Grealish xagaaga soo socda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan