Midowga Afrika ayaa maanta ilaa Axad qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo todobaadkii hore ay doorashadoodu ka dhacday magaalada Addis Ababa.
Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.
Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.