Home / Arrimaha Bulshada / Doorashada ku celiska Turkiga oo billaabatay

Doorashada ku celiska Turkiga oo billaabatay

Doorashadii Wareega Labaad ee Kala-baxa ayaa waxay ka socota magaallooyinka 81-ka Gobal ee dalka Türkiye.
64 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan, iyadoo 191,884 Sanaadiiqda Cod-bixinta loo diyaariyey in Waraaqaha Codeynta lagu rido.
Ammaanka aad ayaa loo adkeeyey magaallooyinka waa weyn ee dalkaasi, si ay Cod-bixiyayaasha si Nabad ah ugu codeeyaan.
Madaxweynaha haatan haya Talada dalkaasi, Rajab Dayib Erdoğan waxa la rajeynayaa inuu Codkiisa ka dhiibto magaallada Istanbul, halka Murashaxa la tartamayo, Kemal Kilicdaroglu uu codkiisa ka dhiibanayo Ankara oo ah Caasimadda dalkaasi.
Bishan May 14-dii, Labada Murashax waxay ku loolameen Wareegii Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, inkastoo uusan midkoodna helin tiradii loo baahnaa ee 50 + 1 iyo wax ka badan.
Golaha Sare ee Doorashada dalka
Türkiye (Turkey’s Supreme Election Council) waxay bishan 19-dii ku dhawaaqeen Natiijada Rasmiga ee Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha, iyadoo uu Erdoğan helay 49.52%, halka Murashaxa Mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu helay 44.88%
Wareega Labaad ee Doorashada maanta ka dhacayso dalkaasi, iyadoo uu ku guuleysan doono Murashaxa hela Codadka ugu badan (The candidate with the most votes will win).
Si kastaba, Natiijada Rasmiga ee Doorashada Madaxweynaha ee maanta dhacayso waxaa lagu dhawaaqi doonaa Caawa, iyadoo Guud ahaan Qeybaha Warbaahinta ee dalkaasi laga mamnuucay inay ka hadlaan ama soo tebiyaan Doorashada ilaa laga gaarayo 6-da Fiidnimo ee xilliga dalkaasi.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan