Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka oo tijaabo ku ah xukunka Trump

Malaayiin Mareykan ah ayaa maanta u dareeraya doorashada xilliga dhexe, taas oo lagu qiimeynayo waxqabadka madaxweyne Donald Trump intii uu ku jiray muddadiisa labaad ee xilka. Doorashadan ayaa go’aamin doonta in xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu sii haysan doono aqlabiyadda labada aqal ee Kongareeska Mareykanka iyo in kale.

Doorashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanku ku jiro dagaal daba dheeraaday oo uu kula jiro Iiraan, sicir-barar sii kordhaya, khilaafaad ganacsi iyo kala qaybsanaan bulsho. Ra’yi-ururinnada ayaa muujinaya in xisbiga Dimuqraadiga ay suuragal tahay inuu la wareego Aqalka Wakiillada, ama xitaa labada aqal, labada sano ee ugu dambeysa muddada Trump.

Doorashada waxaa ku tartamaya dhammaan 435-ka kursi ee Aqalka Wakiillada iyo 37 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka. Sidoo kale, doorashooyinka guddoomiyeyaasha gobollada ayaa ka dhacaya 36 gobol.

Haddii Dimuqraadiyiintu la wareegaan Kongareeska, waxay awood u yeelan doonaan inay si adag u kormeeraan tallaabooyinka Trump, isla markaana xaddidaan hirgelinta qorshayaashiisa.

error: Copy lama Ogola Fadlan