Home / Cayaaro / Dorsaf Ganoiati oo taariikh ka sameysay garsoorka Afrika iyo Carabta

Dorsaf Ganoiati oo taariikh ka sameysay garsoorka Afrika iyo Carabta

Himilo FM –Sabtidii, gabadhan oo 33 jir ah una dhalatay dalka Tunisia ayaa sameysay taariikh kaddib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Carab iyo Afrikaan ah oo ciyaar maamusha kulan heerka koowaad oo ay raggu ciyaarayeen kaasi oo ahaa mid kama danbeys ah oo u dhaxeeyay kooxaha Espérance Sportive de Tunis and Club Athlétique Bizertin.

Ganoiati oo wareysi siisay France24 ayaa tiri “Waxaan rajeynayaa in la fahmi doono in dumarku ay qaban karaan shaqadan, xitaa ay ka wanaagsan yihiin ragga mararka qaar.”

Kulankii sabtida Ganoiati waxa uu u ahaa markii labaad oo ay rag dhex dhexaadiso, haweeneydan ayaa horey kasoo dhex muuqatay kulan ay raggu ciyaarayeen bishii May 2017, markaasi doorka hoggaamin ee garsoor kulanka heerka labaad ah oo u dhaxeeyay kooxaha Stade Tunisien iyo Union Monastir.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan