Home / Cayaaro / Dortmund oo Reds iyo Bayern kula biirtay xiisaha Timo Werner

Dortmund oo Reds iyo Bayern kula biirtay xiisaha Timo Werner


Himilo FM – Liverpool iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay tartan cusub kala kulmayaan Borussia Dortmund si ay ula soo saxiixdaan weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner.

Reds ayaa la rumeysan yahay inay safka hore ugu jirto kooxaha  Ingariiska ee daneynaya soo qaadashada  saxiixa 22 jirkan kaasi oo 11 gool ka dhaliyay 17 kulan oo uu dheelay  horyaalka Bundesliga ah xilli ciyaareedkan.

Liverpool iyo Bayern waxaa lagu qiimeeyaa inay ugu cadcad yihiin saxiixa Werner laakiin warsidaha Jarmalka Bild ayaa sheegay in Dortmund ay sidoo kale soo gashay tartanka ciyaaryahanka si uu qeyb kaga noqdo xilli ciyaareedka soo aadan.

Weeraryahanka  Jarmalka Werner ayaa u muuqda in uu ka fikirayo inuu u wareego Bayern isagoo doonaya in uu booska ku ciriiyo Robert Lewandowski, taasi oo keentay in Dortmund ay xiiseyneyso.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan