Home / Cayaaro / Dortmund oo rumeysan in aan laga soo bixi Karin dalabka lacageed ee Sancho

Dortmund oo rumeysan in aan laga soo bixi Karin dalabka lacageed ee Sancho

Himilo – Madaxa fulinta Borussia Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa shaaciyay in Jadon Sancho la iibin doono xagaagan laakiin waxa uu xusay in uusan fileyn in koox ka soo bixi karto dalabka lacageed ee cayaaryahanka.

Sancho ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan xagaaga kaddib markii uu mar kale sameeyay bandhig wanaagsan.

20 jirka oo dhaliyay ama caawiyay wadar dhan 33 gool oo horyaalka Bundesliga ah ayaa la tilmaamay in uu bartilmeed u yahay kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool.

Si kasta, Dortmund ayaa ku qiimeysay cayaaryahanka adduun dhan £100m.

“ Ma filayo in koox ka soo bixi karto dalabka aan dooneyno,” ayuu yiri Watzk.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan