Himilo – Toban boqolkiiba (10%) shacabka Japan da’doodu waxay ka weyntahay 80 sanno sida ay sheegtay dowladda.
Warbixin dhawaan wasaaradda arrimadaha gudaha Japan ay daabacday ayaa lagu sheegay in bulshada dalkaas ay da’ noqdeen taas oo ka dhigtay dalka dadka ugu da’da weyn ay ku noolyihiin.
Warbixinta wasaaraddu ay daabacday waxaa lagu sheegay inay soo badanayaan dalka shaqada ka gaboobaya iyo dadka u baahan kaalmada caafimaad ee da’da ah.
Tirada reer Japan waxay si joogta ah u sameyneysaa hoos u dhac halka dhaqaalaha dalkaas uu kor u socdo tan iyo sanadkii 1980s, heerkka dhalmada oo aheyd 1.3 ayaa hoos uga dhacday oo gaartay 2.1, halka tirada dadka geeriyooda ay ka badanyihiin caruurta dhalata.
Dalkan oo ay ku nool-yihiin dadka ugu nolosha dheer caalam-ka waxaa ku sii badanaya dadka da’da ah.
Hadda Japan waxaa ku nool 9.12 milyan oo gaaray da’da shaqo gabka ah, China, South korea, Singapore iyo Taiwan waxay wajahayaan xaaladan oo kale waxaana ku sii yaraanaya dhalinyarada iyo carruurta.