Home / Arrimaha Bulshada / Dowlada Zimbabwe oo dilaysa 200- oo kamid ah Maroodiga dalkaa ku sii badanaya.

Dowlada Zimbabwe oo dilaysa 200- oo kamid ah Maroodiga dalkaa ku sii badanaya.

Himilo-Dowlada Zimbabwe waxay dili doontaa in badan 200 oo maroodi sabab laxariirta abaaraha iyo cuno yarida uu dalkaasi wajahayo, tilaabadan waxay waxkaqaban doontaa tirade sii kordhaysa ee Maroodiga sida ay sheegtay hay’adda duurjoogta dalka.

Zimbabwe waxay leedahay mooroodiyaal ka badan inta loo baahan yahay’ sidaa waxaa yiri wasiirka deegaaanka oo barlamaan-ka dalkaa ka hor hadlaye, sidoo intaas ku daray (Dowladdu waxay amartay maamulka duurjooga iyo Beeraha ee Zim Park, inay bilaabaan howsha dilitaanka Maroodiga.

Meesha ugu weyn ee laga bilaabayo ugaarsida maroodiga waa kaymaha Hwang oo ah kaynta ugu weyn ee dalka Zimbabwe, halkaa oo lagu beersan doono inkabadan 200 oo maroodi sida uu sheegay agaasimaha guud ee Zimparks.

Zimbabwe waa dalka labaad ee ugu maroodi badan dunida, waxaa ku nool inkabdan 100,000 oo maroodi, waxaa ka horeeye dalka Botswana.

Kaymaha Hwange waxay hoy u yihiin 65,000 oo maroodi, taas oo kabadan afar jibaar tiradii loogu tallo galay sida laga soo xigtay ZimParks. Markii ugu dambeyse ee dalka Zimbabwe lagu dilo maroodiyaal waxay ahayd sanadkii 1988.

Namibia oo daris la ah Zimbabwe ayaa bishii aan ka soo godobnay qorshe noocaan oo kale ah sameyse kadib markii police-ka dalkaa ay dileen inkabadan 160 xayawaan oo duurjooga ah oo ay ku jiraan 83 maroodi, si ay ula tacaasho  abaartii ugu xumayd ee dalkaa soo marto tobanaan sanno ah.

Zimbabwe iyo Namibia waxay ka mid yihiin dalal dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Afrika oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqay sababo la xiriira abaar.

Qiyaastii 42% shacabka Zimbabwe waxay ku noolyihiin faqri, sida laga soo xigtay qiyaasaha QM. Talaabadan lagu ugaarsanayo maroodiga waxaa dhaleeceeye qaar kadib ah shacabka dalka oo u arko in la burburinayo il dhaqaale oo dalxiisayaal soo jiidata.

Balse dowlada Zimbabwe ayaa ku doodeysa in tirada sii badaneysa ee Maroodiyaasha inay yareeyeen biyihii iyo daaqiil dalkan abaarta u nugul.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan