Home / Habka-Nolosha / Dries Mertens oo sheegay in kooxda Manchester City aysan aheyn mid ka fogaan karta in laga badiyo.

Dries Mertens oo sheegay in kooxda Manchester City aysan aheyn mid ka fogaan karta in laga badiyo.

Muqdisho – Weeraryahanka Napoli Dries Mertens ayaa ku adkeysanaya in Manchester City la joojin karo inkastoo ay kooxdiisa laba guuldarro ay ka soo gaartay naadiga Pep Guardiola kulamadii labada lug ee Champions League.

City ayaa 2-1 ku garaacday kooxda ka dhisan Horyaalka Talyaaniga kulankii ka dhacay Etihad Stadium ka hor inta aysan 4-2, mar kale kaga badin Naples-labo Isbuuc ka dib, taasoo ka dhigeysa inay billow qurxoon u tahay xilli ciyaareedkan, waxa ay guuleysteen 16 kulan halmarna waxa ay galeen barbaro 17 kulan tartamada oo dhan xagaagan.

Kooxda Guardiola ayaa haatan ugu cadcad inay ku guuleysato horyaalka Premier League iyadoo  kooxaha kale ula siman tartanka Champions League, laakiin Mertens ayaa kalsooni ku qaba in la garaaci karo.

“Ma ahan kuwo aan laga badin karin , sababtoo ah ciyaartii guriga waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waxaana helnay fursado aan ku sameyneyno 3-2,laakiin, ma aanan dhalin goolal”, Belgian-ka ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay.

Wuxuu kusii daray “sida koox waliba waa la joojin doonaa maalin”.

City ayaa haatan ku jirta rikoor wanaagsan 15-kulan oo isku xigta ayeyna guul daro la’aan yihiin tartamada oo dhan, Leicester City ayey la ciyaari doonaan marka dib looga soo laabto waajibaadka xulalka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan