Home / Caruurta / Dubai oo laga furay maqaayad u gaar ah carruurta

Dubai oo laga furay maqaayad u gaar ah carruurta

Himilo – Dubai ayaa furtay maqaayadii ugu horreysay ee u gaar ah carruurta sida ay qortay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Maqaayadan keliya carruurta kama helayaan cunto balse waxay dhiseysaa heerka hal-abuurkooda iyo jaceylka waxbarashada.

Xukuumadda Dubai ayaa boggeeda Twitter-ka ku qortay in maqaayada “White and the Bear” ay la gaar tahay tilmaamo wanaagsan iyadoo dhallaanka ka helayaan cunto caafimaad leh oo dhiseysa jirkooda.

Khaleej Times ayaa ku soo waramaya in maamulka maqaayada uu ilaalin doono xogta gaarka ah ee carruurta da’dooda u dhaxayso 6 illaa 8 sanno. Waalidka wehliya carruurta ayaa loo diyaariyay miisas ay ka cunteyn karaan.

Maamulaha maqaayada ayaa sheegtay inay jeceshahay in carruurta la siiyo cunto caafimaad leh si lamid ah ubadkeeda.

“Waxaan jecleysanay in aan sameyno maqaayad ay carruurta ka helayaan cunto caafimaad leh iyo madaxbanaani,” ayay tiri haweenay ka shaqeysa maqaayada.

Warbaahinta Khaleej Times ayaa intaa raacisay in xirfadlayaal ku wanaagsan cunto-karinta in lagu diyaariyay maqaayada oo noqotay tii ugu horreysay ee nuuceeda ah taariikhda Imaaraadka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan