Home / Caruurta / Dugsi kala wareegaya waalidiinta carruurta marka aysan bixin kharashaadka cuntadooda!

Dugsi kala wareegaya waalidiinta carruurta marka aysan bixin kharashaadka cuntadooda!

Himilo – Dugsiga Wyoming Valley West ee ku yaalla gobalka Pennsylvania ayaa uga digay waalidiinta in lagala wareegi doono carruurtooda haddii ay awoodi waayaan inay bixiyaan deymaha lagu leeyahay oo ka dhashay kharashaad cunto lagu siiyay carruurtooda.

Warqad loo diray 1,000 waalid oo aan bixin kharashaadka cuntada carruurtooda ayaa bixinaysa digniinta ah in carruurta lagala wareegi doono haddii aysan isbadal sameyn.

Kharashaadka lagu leeyahay qoysaska  ayaa la tilmaamay inay gaarayaan $20,000 iyadoo qoyska ugu badan lagu dallacay $450.

“Waxaa laguu diri karaa maxkamad sabab la xiriirta in aad ka gaabisay xaqqa carruurtaada ee ah inay helaan cunto,” ayaa lagu yiri warqada.

Waxaa intaa la raaciyay “Natiijadda waxay noqon kartaa in lagaa qaado cunuggaaga islamarkaana la geeyo xarun lagu daryeelo.”

Go’aanka dugsiga Wyoming Valley West ee ku yaalla Mareykanka ayaa dhaliyay dood badan iyadoo waalidiinta ka keeneen cabasho.

Dadka qaar ayaa u arkay warqada mid hanjabaad ah oo ujeedkoodu yahay keliya in dugsiga uu helo lacagtiisa halka Charles Coslett oo ah qareenka dugsiga uu sheegay in aysan warqada ka dhigneyn hanjabaad isaga oo yiri “Waa ku ceeb waalidiinta qaar in aysan dooneyn bixinta kharashaadka lagu quudinayo carruurtooa.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan