Himilo – Meelo badan oo dunida ah sannad kasta 1-da bisha April waxaa jira dhaqan baahay oo loo yaqaan “Beenta April” taasi oo ka dhigan in dad badan u sheegaan eheladooda ama saaxiibbadooda been iyaga oo kula kaftamaya.
Iyadoo sidaasi tahay, dad qaar ma fahamsana waxa uu la xiriiro dabaal degga ku saabsan maalinta ugu horreysa bisha April.
Maalinta beenta waxaa loo yaqaan maalinta ugu horreysa bisha April laakiin ma ahan wax dunida isku waafaqsan tahay iyadoo sheegista beenta tahay mid ka reeban qofka Muslimka ah.
Dunida aan Islaamka aheyn, waxay maalintan uga dhigan tahay in qofka been u sheego saaxiibbadiisa illaa wakhti danbe oo ah habeenka maalintaasi.
Inkasta oo maalintan la xusayay in muddo haddana lama hayo asalka halka laga soo minguuriyay iyada oo uusan jirin heshiis rasmi ah oo loo wada dhan yahay sida laga soo xigtay Andrea Levse oo ah taariikhyahan katirsan jaamacadda Bristol.
“ Dad badan ayaa keenay aragtida ah in maalintan uu keenay gabyaa Ingiriisi ah qarnigii 14aad laakiin ma aha wax la hubo,” ayay tiri Andrea.
Si kasta, dad badan ayaa u arka 1-da bisha April maalin la sheego beenta oo diinta Islaamka ka reebtay dadka taabacsan. Waxaa ku habboon qof kasta oo Muslim ah in uu ka fogaaado xuska maanta oo kale.