Home / Cayaaro / Dybala oo ka hadlay kooxda uu ku biiri karo

Dybala oo ka hadlay kooxda uu ku biiri karo

Himilo – Weeraryahanka Juventus Paulo Dybala ayaa qiray in uu jeclaan lahaa in uu ka barbar cayaaro laacibka kooxda Barcelona.

26 jirka ayaa boos joogta ah ka heysta kooxda Juventus ee tababare Maurizio Sarri kaddib markii uu ku dhawaaday in uu ka tago kooxda xagaagii tagay.

Tottenham Hotspur ayaa la soo wariyay inay ku dhawaatay saxiixa cayaaryahanka reer Argentine xilli Barcelona iyo Real Madrid lala xiriiriyay laacibka.

Dybala ayaa furay warka la xiriira in uu ka dhaqaaqi karo Turin si uu u tago Camp Nou, halkaasi oo uu fursad u heli karo in uu ka barbar cayaaro Messi.

“ Xaqiiqda ayaa ah in Barcelona tahay koox weyn, iyada oo Messi joogo halkaasi way sii xoog badan tahay,”  ayuu Dybala u sheegay CNN.

Dybala ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 16 gool 31 kulan oo Serie A iyo Champions League ah xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan