Home / Cayaaro / Dybala oo oggolaaday ku biirista Tottenham Hotspur

Dybala oo oggolaaday ku biirista Tottenham Hotspur

Himilo – Weeraryahanka Juventus, Paulo Dybala ayaa lagu soo warramayaa in albaabada uu u furay qorshe uu ugu biirayo naadiga Tottenham Hotspur.

Dybala- kaasi oo afar sanno oo guulo ku qaatay Turin ayaa si weyn loola xiriirinayey Spurs iyo Man Utd, kooxahan ayaana daneynaya inay lasoo saxiixdaan xiddigan.

Waxaa laacibkan heshiiskiisa ka haray seddex sanno oo uu kusii joogayo Marwada Duqda, waxaana mustabalkiisa laga keenay calaamatul suaal, laacibkan reer Argentina ayaana la rumeysan yahay in uu kooxda baaqi kusii ahaanayo ugu yaraan hal sanno.

Si kastaba, sida ay ku warameyso Tuttosport, Dybala ayaa qirtay in uu u dhaqaaqayo kooxda Spurs, halkaasi oo uu aamisan yahay in uu xirafaddiisa ku muujin karo.

Dhinaca kale kooxda Juventus ayaa sheegtay in Dybala uu qeyb ka yahay xiddig isu beddelashada ay kusoo qaadanayaan weeraryahanka United Romelu Lukaku.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan