Home / Cayaaro / Dybala “Waxaan jeclaan lahaa in aan mar kale la ciyaaro Pogba”

Dybala “Waxaan jeclaan lahaa in aan mar kale la ciyaaro Pogba”


Himilo FM – Paulo Dybala ayaa qirtay in uu jeclaan lahaa in uu mar kale ka garab ciyaaro Paul Pogba.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Pogba ayaa wakhti la qaatay Dybala xilli ciyaareedkii 2015-16 kahor inta uusan xiddiga reer France ku laaban England.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa saaxiib dhaw la ahaa Pogba intii lagu guda jiray labadii xilli ciyaareed ee Turin, waxaana Dybala uu inta badan ka hadlay sida uu u jecel yahay in uu dib ula midoobo sannadaha soo socda.

Dybala ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaartii Champions league Man Utd iyo Juve iyadoo Juve ay guul kaga gaartay Old Trafford bishii October ee sannadkii hore,taasi oo keentay in uu sii wado sumcadiisa taageerayaasha United.

Taageerayaashiisa United ayaa la filayaa inay kordhaan mar kale kaddib markii uu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro Pogba.

“Had iyo jeer waxaan jeclaan lahaa in aan la ciyaaro qof heerkiisa ah” ayuu Dybala u sheegay Telefoot

“Qof walba ayaa jeclaan lahaa in uu la ciyaaro ciyaaryahan tayo leh sida Pogba laakiin go’aan kasta oo uu sameeyo, mar walba waxaan u rajaynayaa in uu isagu u noqdo mid fiican.”

“Waa koox khibrad leh safkaTurin, laakiin taasi runtii waxay caawisaa ciyaartoyda da ‘yarta sida aniga oo kale, sababtoo ah waxaad baraneysaa oo aad nuugsan tahay maskaxdooda. “

Si kastaba ha ahaatee, bishii November ee sannadkii hore, Dybala ayaa hoos u dhigay soo jeedin kasta oo ku aadaneyd in uu ku biirayo United isagoo mustaqbalkiisa u hibeeyay Juventus.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan