Home / Habka-Nolosha / Emre Can oo heshiis lagaaraya kooxda Juventus

Emre Can oo heshiis lagaaraya kooxda Juventus

Muqdisho – Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Liverpool, Emre Can ayaa heshiis afka ah lagaaray Marwada Duqda ee Juventus.

Xiddigan qadka dhexe ayaa lasoo werinayaa in uu ku dhow yahay ku biirista kooxda Juventus kadib markii uu heshiis la meel-dhigay kooxda heysata horyaalnimada Talyaaniga.

23-jirkan ayaa muhiim ka ah Anfield, waxayna wararkani soo baxayaan iyada oo lagu guda jiro sanadkiisii ugu danbeeyay heshiiskiisa.

Can ayaa afartan kulan oo tartamada oo dhan ah u saftay Reds sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna hoos u dhigay wararka sheegayay inuu qandaraaska u kordhin doono Liverpool; waxaana guuldarro kusoo dhamaaday wada hadallo dhex maray isaga iyo Jurgen Klopp.

Waxaa la carrabaabay in xiddigan uu ka guuri doono gobalka Merseyside isla markaana uu aadi doono Turin iyo Talyaaniga halkaas oo uu kula biiri doono Juventus.

Waxay wararku intaas ku darayaan in xiddigan ay sidaas oo kale doonayso Lazio laakiin qiimaha macquulka ah oo £30m ah ee Old Lady ay diyaarka la tahay ayaa ku riixi kara Juventus.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan