Himilo – England oo kulankii ugu horeye ku bilaabatay guul muhiim ah kadib markii xulka qaranka Serbia uu kulan adag ku dhaxbaray garoonka Gelsenkirchen.
Xidiga Real madrid iyo xulka England Jude Bellingham ayaa goolka u daahfuray qarankiisa, daqiiqadii 13-aad kadib markii uu goolka qaranka Serbia ku hubsaday kubad ka timid Bukayo Saka.
Labaadan jirka ku jira xilli ciyaareedka wanaagsan ayaa madaxa la helay kubada ka hor inta uusan shabaqa ku hubsan.
Inkasta oo England lafilaye inay goolal badan ku badiso madaama xulka Serbia uu aad u tabar yaryahay hadane ugu yaraan waxay siisay guushu fursad ay guruubka rajo uga yeelato.