Himilo-Xulka qaranka England ayaa usoo baxay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee sannadka dambe lagu qaban doono waddanka Germany, kaddib markii ay guul weyn oo 3-1 ah ka gaareen Talyaaniga oo ay ku garaaceen garoonka Wembley Stadium.
England ayaa waxay ka aargoosatay Talyaaniga oo finalkii Euro 2020 kaga qaadday garoonka Wesmbley Stadium, waxaanay laba ka mid ah goolasha u dhaliyey Harry Kane oo noqday ciyaartoygii abid ugu gool-dhalinta badnaa xulka qaranka Ingiriiska.
Waxa uu Ingiriisku kula biiray liiska dalalka usoo gudbay Euro 2024 waddama Belgium, France, Spain, Portugal, Turkey, Scotland, Austria iyo dalka martigelinaya ee Germany oo isagu sii fadhiya hoygiisa isaga oo aan isreeb-reeb gelin.
Ingiriiska ayaa hoggaaminaya group-ka C, waxaanay haystaan 16 dhibcood iyo 16 gool oo nadiif ah, halka Ukraine oo labaad ku jirta ay haysato 13 dhibcood, waxaana labadan xulba u harsan min hal ciyaar oo kaliya, hase yeeshee Talyaaniga oo 10 dhibcood leh oo saddexaad ku jira ayaa waxa baaqi u ah laba ciyaarood oo midkood uu la dheeli doono Ukraine iyo Northern Macedonia, waxaanay u badan tahay inay ka badiyaan Ukraine, isla markaana guul ama barbarro midkood ka helaan Northern Macedonia, waana natiijada kaliya ee ay kusoo bixi karayaan.