Home / Macluumaad / Erdogan iyo Kemal oo ogolaaday doorasho ku celis ah

Erdogan iyo Kemal oo ogolaaday doorasho ku celis ah

Labada Musharrax ee ugu saamenta badan doorashada turkiga ayaa ogolaaday in ay u tartamaan doorasho ku celis ah haddii midkood uusan guuleysan iyada oo in ka badan 99.37% codadka la tiriyay.

Mr Erdogan oo tan iyo billowgii haya hoggaanka ayaa heystay 49.40%, halka Kemal uu heystay 45%, ninka ku jira kaalinta saddexaad oo aan u gudbi doonin wareegga xiga ayaa heystay 5.20%.

Golaha sare ee Doorashada dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay natiijadii u dambeysay ee doorashada madaxtinimo Turkiga waxayna musharixiinta u kala heleen codadka sida tan:-

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan 49.49%,
– Kemal Kilicdaroglu 44.96%,
– Sinan Ogan 5.2% iyo
– Muharrem Ince 0.44%

Sida ay horay u shaaciyeen Guddiga doorashada Turkiga musharraxa hei waaya 50+1,waxaa uu gelayaa tartanka wareegga labaad oo loo qorsheeyay in la qabto 28ka May.

Sinan Ogan, oo asal ahaan ka soo jeeda Azerbaijan ayaa ah qofka kala saari kara labada Nin ee isu soo haray isaga oo qofka uu taageerayaashiisu ugu yeero ay u codeyndoonaan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan