Home / Habka-Nolosha / Essien: “Lukaku iyo Mourinho way wada shaqayn karaan”

Essien: “Lukaku iyo Mourinho way wada shaqayn karaan”

Muqdisho – Romelu Lukaku iyo Jose Mourinho dhib kuma qabaan inay ku wada shaqeeyaan gudaha Manchester United, sida uu yiri Michael Essien.

Xilli ay kooxdu suuqa ugu jirto xera-gashiga laacibiin muhiim, xiddiga kooxda Everton ayaa soo galay liiska kuwa ay tiigsanayaan sida Alvaro Morata iyo Andrea Belotti.

Laacibkii hore ee Chelsea Essien ayaan u arkin mid adag in lukaku ka dhinac shaqeeyo Jose.

“Haddii Mourinho uu rabo, wuxuu rabaa inuu isaga u ciyaaro, marka haa way wada shaqeyn karaan,” ayuu yiri.

Jose ayaa soo jeediyay in Lukaku uusan ahayn mid aad loogu bogaadiyay gegida Old Trafford. Hayeeshe, Essien ayaa ku hal-adag inaysan jirin cuqdad laba dhinac ka dhex taagan.

“Dhamaanteen waxaa xiriirro kala duwan la leennahay macalin Jose sida wiil iyo aabe oo kale.”

“Mana dhahayo xiriirka aan la leeyahay Mourinho wuu la mid yahay midka Lukaku, laakiin guud ahaan, waa iska caadi wayna is qadariyaan.”

Lukaku ayaan qarin hankiisa ah sida uu ugu hanweyn yahay hanashada UCL kadib 87 gool oo uu kooxdiisa u dhaliyay 186 kulan. Chelsea ayaana u muuqata mid uu ku laaban karo.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan