Home / Habka-Nolosha / Essien oo ku biiray kooxda Induniisiya ka dhisan ee Persib Bandung.

Essien oo ku biiray kooxda Induniisiya ka dhisan ee Persib Bandung.

Muqdisho – Kooxda Induniisiya ee Persib Bandung ayaa xaqiijisay inay soo gabagabeeyeen saxiixa laacibka Michael Essien.

Laacibkii hore ee Chelsea ayaa sida Blues-ka wuxuu heshiis hal sano ah la galay naadiga ka dhisan Induniisiya oo ah dalka ugu badan oo ay ku nool yihiin Muslimiinta dunida. Wuxuuna u xiran doonaa nambarka 5aad.

Essien ayaa xilligiisii Chelsea wuxuu saftay 250 kulan dhamaan tartamadii ay dheeshay kooxdu, isaga oo hal sano oo amaah ah lasoo qaatay Real Madrid.

Taniyo markaasna, wuxuu muujinayay xiisaha uu u qabo AC Milan iyo dhawaanahan kooxda Panathinaikos uu u dheelay 12 kulan xagaagii 2015/2016.

Isaga oo ka hadlayay u dhaqaaqistiisa Persib, Essien wuxuu niyad wanaag ka muujiyay imaanshaha Induniisiya.

“Tani waxay bilow wanaagsan u tahay kubadda cagta Induniisiya iyo kooxda Persib,” ayuu yiri. “Waad ku mahadsan tihiin sidaad iiga mid dhigteen kooxda. Waana ku faraxsanahay. Waxaana ku rajaweynahay inaan midda ugu fiican sameeyo.”

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan