Eto’o, Adebayor, Okocha oo ciyaar muujinaysa nabadda ka ciyaaray Soomaaliya

Himilo – Saddex xiddig oo caan ka ahaa kubadda cagta Afrika – Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha – ayaa Talaadadii ka qaybgalay ciyaar bandhig ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in lagu soo celiyo sumcadda dalka ee dunida.

Ciyaartan ayaa qayb ka ahayd “socdaalka nabadda” oo ay taageeraysay FIFA, iyadoo Soomaaliya ay rajeynayso in mar kale ay martigeliso ciyaaro heer caalami ah kadib sanado badan oo dagaal ah.

Soomaaliya oo dagaal sokeeye ku jirtay tan iyo 1991 ayaa inta badan ciyaaraha xulka qaranka ku qabata dalka deriska la ah ee Jabuuti. Garoonka weyn ee Muqdisho Stadium ayaa si weyn u burburay kadib markii ay u adeegsadeen saldhigyo dagaalyahannada Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2008 iyo markii dambe ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Waxaa dib loo dayactiray lana furay si rasmi ah sanadkii 2020.

Soo dhaweynta halyeeyada Cameroon (Eto’o), Togo (Adebayor), iyo Nigeria (Okocha) ayaa loo arkay “maalin taariikhi ah”, sida ay sheegtay Wasaaradda Isboortiga. Saddexdan xiddig ayaa hogaaminayay koox ciyaartoy caalami ah kuwaasoo guul 8-4 ah ka gaaray koox ciyaartoy Soomaali ah.

“Ilaahay ha idiin siiyo nabad si aad dalkiinna u dhisataan,” ayuu yiri Emmanuel Adebayor ciyaarta kadib, isagoo ku tilmaamay munaasabadda mid “quluubta taabanaysa oo aan la iloobi karin.”

Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciyaartan ay tahay fursad lagu beddelo aragtida caalamka ee Soomaaliya, laguna muujiyo in Muqdisho ay tahay magaalo nabdoon oo lagu qaban karo ciyaaraha Afrikaanka ah.

Amniga ayaa si aad ah loo adkeeyay agagaarka garoonka oo ku yaalla koonfurta Muqdisho, iyadoo dad farabadan oo taageerayaal ah ay saf ugu jireen garoonka saacado kahor bilaabashada ciyaarta, qaar badan ayaana watay calanka Soomaaliya.

“Maanta waa maalin aan la iloobi karin,” ayuu yiri Mowlid Calili oo kamid ahaa taageerayaasha, isagoo intaas ku daray: “Inaan arko Eto’o oo ahaa ciyaaryahankii iga dhigay inaan jeclaado kubadda – waxay ila tahay in aan fadhiisto garoonka Barcelona laftiisa.”

Cabdiraxmaan Dheere oo isna kamid ah taageerayaasha ayaa yiri: “Ciyaarta maanta ma ahan ciyaar kubadeed oo caadi ah. Waa mid calaamad u ah soo kabashada Soomaaliya oo kasoo baxaysa colaadihii muddada dheer ragaadiyay.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan