Himilo – Kulamada wareega 16-ka ayaa bilaabmi doona manta oo Sabti ah iyada oo xulka England la ciyaari doono xulka Slovakia Axada.
Dhinaca qiimaynta, xulka England ayaa ugu cad-cad in ay garaacaan xulka Slovakia laakiin xulka Saddexda Libaax ayaa si weyn u dhibaatoonayay kulamadii wareega Group-yada.
Slovakia ayaa dhinaca kale ku jirtay qaab ciyaareed fiican iyaga oo ka badiyay Belguim isla markaas si fiicana u ciyaaray.
Kabtanka Slovakia Milan Skriniar ayaa aaminsan in xulkiisu ay samayn karto lama filaan weyn Euro 2024 ayna garaaci karto England wareega 16ka.
Marka hore, daafaca dhexe ee PSG ayaa sheegay in cadaadiska dibadda ee England uu keeni karo inay burburaan: “Xitaa ciyaartii ugu horeysay [1-0 ay kaga badiyeen Serbia] si fiican uma ciyaarin kaliya waxa ay heleen natiijada”.
“Saxaafadda iyo taageerayaashu [waxay ahaayeen kuwo dhaleeceeyay] ciyaarahooda, sidaas darteed waxay la kulmi doonaan cadaadis aad uga badan annaga taasina faa’iido ayay noo tahay anaga”. Sida waxaa yiri kabtanka Slovakia Milan Skriniar
England oo natiiho liidata laga soo baxday Group-yada ayaa wajaheysa xaalad adag.