Taqtaraddii hore ee kooxda Chelsea ayaa markii ay ka tagtay naadigeedii chelsea waxa ay la kulmaysay falal hanjabaad ah sida kufsi iyo dil.
Telegraph ayaa warinaysa in gabadhaan ay soo wajahday caqabad ku saabsan dhanka amaankeeda kadib ka tagitaankii chelsea, waraysi ay bixisay ayay uga hadashay arimo badan oo ayada ku saabsa.
“Inkastoo aan saamayn ku lahayn baraha bulshada, waxaa i soo gaaray farriimmo isugu jiray hanjabaad kufsi, dhibaateyn ah iyo hanjabaad dil la iigu goodinayo” ayay Carniero ku sheegtay waraysigii ay siisayThe Telegraph”.
“Dadkaas waxa ay u muuqdaan kuwo fulayaal ah oo aan heybtooda la garanayn waxaana la xisaabtami doona garsoorka maxkamadda”.
Taqtarad Carniero oo 43 jir ah ayaa ka tagtay kooxda Chelsea Bishii September 2015 kaddib markii ay is ku dheceen tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho markii amar la’aan ay u gurmatay Eden Hazard oo ay garoonka gashay taas oo ka xanaajisay tababare Mourinho oo si xun ugu hor canaantay taageerayaasha kulankii ay la ciyaarayeen Swansea City sanadkaas.
Bilaawgii sanadkan ayaa dacwad arrintaasi ku saabsan lagu soo oogay tababare Mourinho, waxayna Eva Carniero ay sheegtay in ay cunsuriyad kala kulantay Mourinho taas oo uu tababarahaani cudur daar ka bixiyay.