Home / Habka-Nolosha / Everton oo baacsaneysa laacibka Arsenal ee Theo Walcott.

Everton oo baacsaneysa laacibka Arsenal ee Theo Walcott.

Muqdisho – Macalinka kooxda Everton Sam Allardyce ayaa lagu soo warramayaa in uu diiradda saarayo  weraryahanka kooxda Arsenal ee Theo Walcott marka uu suuqu dib u furmo bisha January.

Xiddiga heerka caalami ee reer England, oo kooxda ka dhisan North London kaga yimid Southampton isanadkii 2006, ayaa hadda kamid ah laacibiinta uu hoos u dhucu ku yimid.

Tan iyo markii uu bilaawday xagaagan, 28-jirkan ayaa sameeyey 11 soo muuqasho dhamaan tartamada, hayeeshee dhmaantood kuma uu jiro kulan Premier League oo uu kusoo bilaawday.

Xaqiiqdii, Walcott ayaa cayaaray 47 daqiiqo marka ay kooxdu la ciyaareyso kooxaha waa weyn.

Sida ay kusoo warrameyso  Mirror, Everton iyo macalinkeeda  Allardyce ayaa doonaya in ay u dhaqaaqaan soo xera galinta xiddiga naadiga Arsenal ee Theo Walcott.

The Toffees ayaa raeyneysa in ay lacag badan faraha ka saarto macalinkeeda bisha January si uu kur ugu qaado safka kooxda.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan