Home / Habka-Nolosha / Everton oo ceyrinaysa Ronald Koeman.

Everton oo ceyrinaysa Ronald Koeman.

Muqdisho – Everton ayaa ku dhawaaqday inay ceyrisay tababbare Ronald Koeman wax yar kadib kulankii Axadii ay guuldarada 5-2 kasoo gaartay Arsenal.

Toffeeska ayaa sanadkan ku bilaabatay si aan wanaagsaneyn marka loo fiiriyo labada tartan ee waaweyn kuwaas oo kala ah horyaalka iyo Europe League, guuldaradii ugu danbeysay ayaana kusoo gaartay Goodison Park oo hoygooda ah markii ay 5-2 ugu qubeysay Arsenal.

Everton ayaa qarash gareysay ku dhawaad £150m oo lacagta Ingiriis-ka ah suuqii kala iibsiga ciyaartoyda si ay u keento xidigo ay kamid yihiin Wayne Rooney, Michael Keane, Gylfi Sigurdsson, Jordan Pickford, Davy Klaassen iyo Sandro Ramirez.

Si kastaba, Koeman ayaa ka tagaya Eveton isaga oo labo jeer guulo ka gaaray Premier League xilli ciyaareedkan, halka Merseysiders ay sidoo kale hal dhibic ka heshay saddexdii kulan ee Europa League ee xilli ciyaareedkan.

“Everton Football Club waxa ay xaqiijineysa in Ronald Koeman uu ka tagay kooxda,” ayaa lagu yiri hadal kusoo baxay Twitter-ka.

“Guddoomiyaha kooxda ee Bill Kenwright, ninka isna kamid ka ah maamulayaasha kooxda iyo saamileyda nadiga, Farhad Moshiri iyo madaxda ayaa dhammaantood jeclaan lahaa in ay muujiyaan mahadnaqooda ku aadan Ronald, adeegga uu kooxda siiyay 16-kii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana uu kooxda ku hoggaamiyay kaalinta 7aad xilli ciyaareedkii hore Premier League, ” ayaa lagu sii daray.

Koeman ayaa yimid Goodison Park bishii June 2016 wuxuuna ku guuleystay  24 kamid ah 58 kulan oo uu ku ciyaaray, 14 barbar dhac  iyo20 guuldaro.

Everton ayaa hadda fadhisa kaalinta 18aad ee kala sarreynta  horyaalka waxeyna ku jirtaa kooxaha calaamadeysan ee u laaban kara horyaalka heerka labaad ee Ingriiska haddii uu xaalkeedu sidan sii ahaado.

Everton ayaa guul la’aan ah shantii kulan ee ugu danbeysay dhammaan tartamada, shantaas kulan waxaa kamid ah afar kulan oo ay ku ciyaareen gurigooda, waxay wajihi doonaan Arbacada kooxda Chelsea kulan ka tirsan EFL Cup wareegiisa afaraad.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan